wararka aan kahelyno xaafada islii ee magaalada Nairobi ayaa xaqiijinaya in ciidamada keyna ay galeen goobo ku yaaley xafiisyada xawaaladaha soomaalida waxaana lasheegey in ay ku amreen in albaabada la’isaga dhufto.
Falkaan ayaa wuxuu qeyb ka yahay cadaadis ay wado dowlada Kenya waxaana cadaawadaas abuurey madaxweynaha hada xilka haaya oo lasheegey in uu balamo been ah la galey damacana kusoo ridey dowlada Kenya.
Kenya ayaa bilowdey falal aan horey looga baran kadib markii ay aragtey jileec hogaan ee soomaaliya kamuuqa.
Xog hoose ayaa sheegaysa in madax weyne farmaajo markii uu dagey Nairobi uu soo balan qaadey in kiiskii maxkamada ay dib ulal laaban doonaan, arintaas oo dowlada Kenya damaceeda balaariyey.