Nabadoon Caan ah oo lagu dilay Muqdisho

0
24

Wararka naga soo gaaraya degmada Yaaqshid ee gobolka Banaadir ayaa sheegaya in kooxo hubeysan ay xalay degmada Yaaqshid ku dileen  Nabadoon si weyn looga yaqaanay degmada Yaaqshid ee gobolka Banaadir.

Dilka waxaa uu ka dhacay Xaafadda Juungal.

Nabadoonka la dilay ayaa lagu Magacaabi jiray Xaaji Shaahid Kheyrdoon.

Waxaa nabadoonka la dilay xilli uu kasoo baxay Masjid ku yaalla Xaafadda Juungal, waxaana goobta ka baxsaday kooxihii dilka geystay.

Ciidanka Ammaanka dowladda Soomaaliya ayaa gaaray goobta uu dilka ka dhacay, waxaana ay halkaasi ka sameeyeen howlgallo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here