Muxuu Madaxweyne Deni ka yiri doorashada soo socota?

0
10

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa si kulul uga hadlay doorashada la filayo inay ka dhacdo Soomaaliya,Sharciga doorashooyinka ay Baarlamaanka ka doodayaan iyo mowqofka Puntland ee Sharcigaas.

Madaxweyne Deni waxaa uu sheegay in illaa iyo hadda aan lasoo bandhigin qorshe-cad iyo jadwal shaqo oo ay Soomaaliya uga qabsoomi karto Doorasho hal qof iyo hal cod ah, isagoo intaasi ku daray in aysan Puntland qeyb ka aheyn howlaha iyo nooca Doorasho ee ay wadaan Guddiyada Doorasho ee Heer Federaal.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here