Muwaadin Soomaaliyeed oo lag dilay Koonfur Afrika

0
14

Kooxo Burcad Koonfur Afrkaan ah ayaa Gudaha dalkaasi waxaa ay maanta ku dileen muwaadin Soomaaliyeed oo kamid ahaa dadka Ganacsi ahaan u tegay dalkaas oo muddo ku noolaa,iyaga oo goobta ka baxsaday.

Muwaadinka Soomaaliyeed oo lagu magacaabi jiray C/kariin Cabdulle Caddaan ayaa xilliga la dilayay waxaa uu ku sugnaa Xaafadda Phillipi Lower oo hoos tagta Magaalada Cape Town ee dalkaasi Koonfur Afrika.

Maxamed Maalin oo kamid ah Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalkaasi ayaa sheegay in ka hor dilka muwaadinka Soomaaliyeed uu dagaal ka hadal ah dhex-maray Nin madow Koonfur Afrikan ah,waxaana Ninka madowga ah uu soo qataay qoray,isaga oo dhowr xabadood ku dhuftay muwaadinka Soomaaliyeed.

Ciidamo ka tirsan Booliska Koonfur Afrika ayaa gaaray halka uu dilkaka dhacay, iyaga oo halkaasi ka sameeyay howlgal ay ku baadi goobayeen nin ii ka dambeeyey dilkaas,walow aysan ku guuleysan inay qabtaan.

Dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa aad loogu dhibaateeyaa Soomaalida ku nool,waxaana Kooxaha Burcad Koonfur Afrikanka ah ay had iyo jeer u geystaan dil iyo inay boobaan hantidooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here