Muuse Biixi oo Xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Ingiriiska u qaabilsan Soomaaliya

0
4

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta oo Isniin ah xafiiska ku qaabilay safiirka dalka Ingiriiska u qaabilsan Soomaaliya, Amb. Kate Foster.

Madaxwweynaha maamulka Somaliland, oo kulan gaar ah la qaatay safiirka, waaxaana kulanka lagaga wada hadlay qodoba ay ka mid ahaayeen xoojinta xiriirka maamulka Somaliland iyo dowladda Ingiriiska, arrimaha diyaar garowga doorashooyinkaSomaliland ee Golaha wakiillada iyo deegaanka oo maalmo kooban ka harsan yihiin.

Qoraal ka soo baxay madaxtooyada Somaliland ayaa lagu sheegay in sidoo kale kulanka lagu lafo-guray deeqaha dalka ingiriisku Somaliland ku taageero dhinaca mashaariicda horumarineed ee arrimaha bulshada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here