MUUSA SUUDI IYO XAAF OO NAIROBI UGU DHAWAAQEY GOLE LOOGA SOO HORJEEDO DOWLADA SOOMAALIYA.

0
16

Wararka ka imaanaya magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa sheegaya in madaxweynaha maamulka galmudug mudane axmed ducaalle xaaf iyo senator muuse suudi yalaxow kulan ay isla qaateen kudhise gole looga soo horjeedo xukuumada xasan cali kheyre.

Ilo kudhow dhow shirkaasi ayaa tilmaamaya in labada masuul ay isla qaateen kulan kadib in ladhiso ciidamo ka howl gala waqooyiga mogdisho ciidanka ayaa lasheegey in beel ahaan loo abaabuli doono, waxaana kulanka markuu dhamaadey kadib lasheegey in ay lasoo xiriireen masuuliyiinkale oo kadirsan beelaha ay kasoo wada jedaan.

Sanetor muse iyo madaxweyne xaaf ayaa dagaal ba’an kula jira dowlada soomaaliya waxaana marar badan ay isku dayeen in ay isbaheysiyo sameytaan hayeeshee suura gal noqon waayey

Masuuliyiinta ayaa lasheegey in shir wayne kale ay isgu imaan doonaan kaaso oo sida lasheegey kadhici doona gudaha dadlka soomaaliya. 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here