Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida ee Itoobiya, Mustafe Muxumed Cumar (Cagjar) oo ka hadlayey dagaalkii jabahadda ONLF ayaa sheegay in intii ay ku guda jireen halgankaasi ay dileen dad badan oo shacab ahaa.
Madaxweynaha ayaa ka codsaday hoggaanka sare ee ururka ONLF oo hada soo af jaray in dagaalkii uu waday inay raalli-gelin iyo garowshiyo buuxda ka bixiyaan ‘xasuuq’ uu sheegay inay geysteen, xilligii ay dagaalka ku jireen, sida uu hadalka u dhigay.
“Madaxda ururka ONLF waa in ay ka xishoodaan shacabka, waa in aysan dadku u sheegin in dagaalka uu ahaa mid ehel, balse ay dadka u caddeeyaan in dagaalkooda halganka ee gumeysi diidka lagu laynayayay rayidka.” ayuu yiri Madaxweyne Cagjar.