MUSHARAX JUBALAND XIDIG OO BERI KU SII JEEDA MAGAALADA KISMAAYO.

0
57

Ilo kudhow dhow musharax madaxweyne Cabdirashiid Xidig ayaa sheegaya in maalinta beri ka degi doono magaalda Kismaayo oo ah xaruunta kumeel gaarka ee maamulka jubaland.

Wararka ayaa intaa kudaraya in musharax xidig uu ka degi doono kismaayo isagoo wata ilaalo xoogan oo kala tagi doono magaalada mogadisho, waxaana isaga kasii horeyey musharax seeraar oo si xoog ah ugu degey magaalada kismaayo.wuxuuna shaqaaqo kala kulmey ciidanka amniga Jubaland.

Hadii ay suuragasho in uu ka dego musharax xidig maalinta beri waxey kadhigan tahay in jubaland xoog laisku sheegan doono isla markaasna xaalada doorshada Jubaland noqon doonto niinkii raaya reerka u haraya.

Dhanka kale guddiga amniga maamulka jubaland ayaa ku amrey in musharax seeraar soo wareejiyo hubkii uu kala yimid magaalada mogadisho walow uu ku gacanseerey musharax Seeraar.

Sikastaba ha ahaatee magaalada kismaayo ayaa marta gelin doonta sida muuqata bilaha soosocoda  siyaasado iska  soo horjeeda waxaana la ogeyn qaabka ay udhici doonto doorashada maadaama  muuqata faragelin aad  u xoog badan oo dawlada soomaaliya taas oo ku dooneyso in ay soo saarto musharax ayada wadata.

Waxaana arintaan marnaba aqbali doonin sida muuqata hogaamiyaha jubaland waxaase laga dhursugayaa sida xaaladu noqon doonto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here