MUQDISHO(TEBIYENEWS)-XOG YAAB LEH: KOONFUR GALBEED MACAL FAN DOONTAA SHIDAALKA KUJIRA XEEBTEEDA?

0
133

Shirka lagu wado in lagu qabto Magaalada Houston Gobolka Texes ee Dalka Mareykanka Tariikhda marka ay tahay 11, July, 2019, ayaa lagu suuq-gaynayaa 15 xirmo oo kamid ah 50 xirmo ee Shidaalka Badda Soomaaliya, islamarkaana qidmadda saxiixa ay noqonayso $2 illaa $3 Million halki xirmaba, shirkan Dowladda Federaalka iyo Shirkadaha Shidaalka soo saara ku saxiixayaan heshiis ku dhisan saami qaybsiga cadadka Shidaalka lasoo saarayo, kulankan ayaa daba socda Shirka London ee lagu soo bandhigay xogta Shidaalka Xeebaha Soomaaliya, natiijada sahankii lagu soo bandhigay London ayaa aad usoo jiitay Badaha Soomaaliya gaar ahaan Xeebaha Koonfur Galbeed.
Keydka Shidaalka ku jira Xeebaha Galmudug Hirshabeelle iyo Koonfur-Galbeed ayaa lagu qiyaasay cadad gaaraya 30 billion oo fuusto, warbixinta qiyaasta hordhaca ah ayaa tilmaamaysay muhiimadda baloogyadan iyo Maamullada ka dhisan, xog cusub ayaa lagu soo bandhigay London sida Dr karina rodriguez u faah-faahisay caddeymaha lagu ogaaday cadadka Shidaalka ee ku jira Xeebaha Galmudug, xogta jiyoolijiga dheeraadka ah ee sida lama fillaanka lagu ogaaday ayaa soo jiidatay dhammaan kasoo qayb galayaasha shirka isla markaana kor u qaadday suurtagalnimada maalgashiyo deg deg ah ee lagu sameeyo Xeebaha Koonfur Galbeed.
Kulanka ka dhacaya Magaalada Houston ayaa lagaga heshiinayaa qodobada gundhigga u ah sida, qarashka ku baxaya Shidaal soosaaridda (cost of production), saami qaybsiga, canshuurha, sooryada (royalty) muddada heshiiska iyo damaanad-qaadka fayo-qabka deegaannka, waxaa kaloo kusii dhex jiraya heshiiska guud mashaariic dheeraad ah oo ay kamid yihiin horumarinta dadka iyo deegaannada (Degmo/Gobol) Shidaalka laga soo saarayo, iskastoo filashada caddadka keydka Shidaalka tirada macaashka mustaqbalka Shirkadaha ay rajaynayaan ayaa sal u ah tayada iyo qiimaha heshiiska.
Qodista Shidaalka waxaa ka horreeya helista xog iyo sahan cilmiyeysan isla markaana soo jiidasho leh maalgashadaha ku qanci karo, marka la ogaado cadadka kaydka Shidaalka ayay tallaabta ku xigta ayaa noqonaysa qiimeynta qarashka soosaarista iyo tirada fuusto ee lasoo saari karo maalintii, intaas kadib waxaa la qiyaasayaa macaashka iyo canshuurta inta ay noqon karto, waxaa ku xiga heshiiska qaybsiga dakhliga ka yimaada Shidaalka marka laga jaro kadib qarashka ku baxay soosaaridda Shidaalka. (cost of production) iyo canshuurta wixii intaas kasoo hara ayaa loo kala qaybinayaa labo qaybood oo kala ah Shirkadda Shidaalka iyo Dowladda Federaalka.
Qaybsiga saamiga laga helo waxaa lagu qiimeeyaa caddadka Shidaalka lasoo saaray inta uu la egyahay, markasta oo uu caddadka badan yahay waxaa saami badan helaya Dowladda Federaalka ah. balse haddii tirada fuustooyinka lasoo saarayo ay yar tahay waxaa yaraanaya qaybta Dowladda FS ay ka heleyso faa’iidada Shidaalka, heshiiska saami qaybsiga Shidaalka dalka ayaa dhigaya in Dowladda Federaalka qaadato 55%, Maamul Goboleedka laga soosaarayo Shidaalka helo 25%, halka Degmada laga qodayana Shidaalka ay hesho 10%, halka Maamul Gobolleedyada kale ee aan Shidaalka soosaarinna lasiiyo 10%.
Xeebaha Koonfur Galbeed ayaa la filayaa in ay noqoto goobta ugu horreysa ee Shidaal qodista laga billaabayo isla markaana laga helay xogta jiyoolijiga dheeraadka ah, ee sida lama fillaanka ah u muujinaysa in uu ku jiro Shidaal ka badan midkii la filayay, habka ugu fudud ee lagu fahmi karo saami qaybsiga boqolleyda ah ee dakhliga ka yimaada Shidaalka ayaa ah tusaalaha hoos ku qoran.
Tusaale:
Haddii kaydka Shidaalka ku jira Koonfur Galbeed uu noqdo10 Billion, maalin walbana laga soosaarayo 500,000 fuusto, Qarashka ku baxa soo saarista uu gaaro $30 fuustadiiba, saami-wadaagga Shidaalka yahay, Dowladda Federaalka 50% & Shikadda Shidaalka 50%, canshuurtana saaranna ay tahay %30 fuustadiiba, sicirka fuustada Shidaalka suuqa adduunka lasiisto $70, xisaabta qarashka maalinlaha ah ee shidaalka ku baxa soosaaristiisa iyo macaashkiisaba, Sooryada (royalty) 10% maalinti.
500,000 fuusto ×$70 = $35,000,000 waa dakhliga soo galay maalinti,
(Royalty) 8% = $2,450,000 ( $500,000×$70= $35,000,000×10%)
500,000 fuusto ×$30 = $15,000,000 waa qarashka baxay maalinti,
$35,000,000 – $2,450,000 = $32,550,000 – $15,000,000 = $17,550,000.
Lacagta ($17,550,000) ee soo hartay ayaa loo qaybinayaa laba qaybood oo kala ah, 50% Dowladda Federaalka iyo 50% Shirkadda Shidaalka una dhiganta $17,550,000÷2= $8,775,000 midkiiba, qaybta macaashka ($8,775,000) shirkadda shidaalka helay waxaa laga sii jarayaa canshuurta dowladda 30% ah, ($8,775,000×30%=$2,632,500) , saamiga faa’iidada ee Dowladda Federaalka u soo haray maalintii wuxuu noqonayaa $11,407,500 = ($8,775,000+$2,632,500)
Macaashka guud ee soo gala qasnadda Dowladda Federaalka ayaa noqday $11,407,500 qarashkan waxaa loo qaybinayaa Dowladda Federaalka, Maamul Goboleedka laga soosaaray Shidaalka, Degmada laga soo saaray iyo Maamul Goboleedyada kale ee aanan laga soosaarin wax Shidaal ah, waxaa loo qaybinayaa saami qabsiga boqolleyda ah ee hoos ku qoran.
Dowladda Federaalka waxaa ay qaadanaysaa 55%, = $6,274,125
Maamul Goboleedka Shidaalka soosaaray ee Galmudug 25% = $2,851,875
Saamiga Degmada Hobyo ee Shidaalka laga soosaaray 10% = $1,140,075
dhammaan Maamul Goboleedyada kale ee aanan Shidaalka soosaarin waxaa ay qayb ahaan u helayaan 10% $1,140,075 oo kawada dhaxeysa.
Faa’iidada Shidaalka Dowladda Goboleedka Koonfur Galbeed maalin walba helayo ayaa noqonaysaa, $3,992,625 ama ($2,851,875 + $1,140,075)
Lacagaha kor kuxusan waxaa ka maqan qarashaadka abaalmarinnada dheeraadka ah ee aan joogtada ahayn sida, Qidmadda saxiixa xirmooyin Shidaalka, (oil blocks signature bonus), kirada goobta (surface fee) iyo qoondada tabarrada & horumarinta Deegaanka.
☆FG: Faa’iidada laga helayo Shidaalka la saasaaro waxaa kor u qaada ama hoos u dhiga isbadellada ku yimaada xogta Shidaalka sida, cadadka kaydka, qarashka soosaarista, canshuuraha, nooca heshiiska saami qaybsiga, tirada fuustooyinka lasoosaaro, tayada Shidaalka, iyo qiimaha sicirka saliidda suuqa.
Qormadan kooban kuma filna mana koobi karto faah-faahinta iyo sharaxaad dhammeystiran kamana bixin karto arrimaha Shidaalka, tilmaantan waxaa ay hordhac tusaaleyn ah u tahay in laga qaato aragti guud arrimaha Shidaalka, Hay’adaha u xilsaarran arrimaha Shidaalka ayaa looga fadhiyaa in ay shacabka lawadaagaan shuruucda lagu cabiro miisaanka macaashka shidaalka oo faahfaahsan sida, xeer hoosaadyada iyo habraacyadaba (Petroleum Fiscal Regime & Ratio Factor Formula) ee lagu maamulo Shidaalka dalka, si shacabka ubartaan ama u ogaadaan gunta heshiisyada shidaalka.

Gunaanad.

Hadafka fariintan waxaa ay tahay in shacabka ku nool deegaannada laga filayo in Shidaal laga soosaaro gaar ahaan Shacabka Koonfur Galbeed ay gartaan muhiimadda iyo qiimaha saliidda kujirta deegaannadooda islamarkaana diyaar ugu noqdaan sidii ay uga faa’iideysan karaan, iyo in ay soo buuxiyaan shuruudda ugu weyn ee suurtagalka kadhigaysa ka faa’iideysiga Shidaalka isla markaana ugu horreeyso jiritaanka Maamul fadhiya ee lagu kalsoonaan karo iyo dhul Nabad ah oo la maalgalin karo.
Shacabka ku nool Koonfur Galbeed waxaa waajib ku ah in ay u helaan xal khilaafaadyada ragaadiyay deegaannadooda isla markaana ay samaystaan Maamul dulqaad u leh masuuliyadaha ka saarran dadka iyo deegaankaba, isla markaana u horseeda horumar iyo xasilooni ay mahadiyaan dadka iyo deegaannada Koonfur Galbeed.
Ismariwaaga siyaasaddaha is diidan ee ka taaggan maamulka Koonfur Galbeed, wuxuu sababay in shacabka Koonfur Galbeed ka haraan horumarka ka socda Maamullada lamidka ah, khilaafka hoggaanka deegaannadan wuxuu keenay in lahakiyo dhammaan mashaariicyada horumarinta ee loogu talo galay shacabka ku nool seddexdan Gobol, sidaas darraateed waxaa iyana xaqiiq ah in Koonfur Galbeed ay waayi doonto saamiga qidmadda saxiixa ay ku leedahay 15 xirmo ($35-40 Million) oo ka midka ah 50 xirmo Shidaalka badda ee lagu suuq-gaynayo Shirka 11, July ee lagu qabanayo Houston Taxes USA.
Muhiimadda Shirka Houston Texes waxaa kasii weyn in mustaqbalka dhaw Koonfur Galbeed la rajaynayo in dakhliga ka yimaada faa’iidada Shidaalka uu gaari karo $2000,000 – $4,000,000 maalin walba, marka laga qiyaas qaato qaybta Koonfur galbeed ay ka heleyso kaydka 30 Billion fuusto ah ee ku jira xeebaha koonfurta Soomaliya oo ay koonfur galbeed kamidka tahay.
Shacabka Koonfur galbeed ayaa laga doonayaa in ay isweydiiyaan su’aasha ah, Koonfur Galmudug ma Calfan Doontaa Shidaalka kujira Xeebaheeda?
Jawaabta waxaa laga sugayaa Shacabka koonfur galbeed.

Muxudiin Iimaan
Muhyadiin7@hotmail.com

Tebiyenews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here