MUQDISHO(TEBIYENEWS)-XOG XASAASI AH:DF OO MOOSHIN KA DHAN AH MADAXWEYNE WAARE WADA.

0
37

DF somaaliya ayaa lasheegey in ay wado qorshe xilka looga xayuubinaayo madaxweynaha hirshabelle maxamed Cabdi Waare kaas oo hada meel gebo gebo ah maraayo.

Warar hoose ayaa kasoo baxaya shir habeenkii xaley ahaa dhexmarey madaxweynaha Soomaaliya iyo Gudd. Baarlamaanka Hirshabelle Osmaan Barre ayaa lasheegey in lagu lafa gureyey habkii si nabad ah xilka looga qaadi lahaa madaxweynaha xilka haaya ee Hirshabelle.

Mr. Waare ayaa lagu eedeyey in uu gacan saar hoose la leeyahay maamulada dowlada ku kacsan isagoona bilihii danbe bilaabey in uu dhaliilo dowlada federalka ah.

Saraakiil kudhow kudhow madaxweyne waare oo aan laxiriirney ayaa sheegey in madaxwehne waare uu lasocodo dhaq dhaqaaqyada kasocoda Villa Somaliya.

Lama oga wax yaaha rasmiga ah ay qoonsatey dowlada federalka soomaaliya hase yeeshee waxaa lagu soo waramayaa in uu jiro mad madow udhaxeeya labada dhinac.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here