MUQDISHO(TEBIYENEWS)-XOG: DOORASHADII BAYDHABO OO KALE AYAA KADHICI DOONTA CADAADO IYO KISMAAYO.

0
43

Dowlada soomaaliya ayaa lasheegey in ay soo gabagabeysey qorshe ay ku dooneyso in ay xilka kaga tuurto 2da Axmed ee kala ah Axmed Ducaale Geele madaweynaha Galmudug iyo Axmed Maxamed Islaam oo ah madaxweynaha Jubaland.

Xog uu heley Tebiyenews ayaa muujineysa in dowlada federlka soomaaliya ay diyaarisey hanaan xilalka loogu tuuraayo hogaamiyaasha Jubland iyo Galmudug oo mudo xileedkooda sii dhamaanaya.

Ilo kudhow dhow madaxtooyada soomaaliya ayaa xaqiijinaya in dowlada soomaaliya ay qorsha ahaan kala hormarisey doorashooyinka Galmudug iyo Jubaland.

Galmudug ayaa dowladu qorsheyneysaa in marka hore ay soo af jarto isla markaana kala jebiso ahlu sunna iyo madaxweyne xaaf.

Waxaana intaa xigi doona in dowlada federalka ay isku deydo in ay maquuniso dhammaan musharaxiinta la loolamaya mushaxa ayadu wadato.

Doorashada Galmudug ayaa lagu soo waramayaa in dowladu u asteysey in ay dhacdo bisha Luuliyo ee fooda nagu soo heysa.

Ayadoona wixii intaa kadan beeya wajihi doonto musharaxa ugu awooda badan maamulada dalka kajira ee ka arimiya deegaanada Jubaland.

Dowlada federalka Soomaaliya ayaa u maara la’ hogaamiye Axmed madoobe oo ah madaxweynaha Jubaland waxaana madaxda qaranka lasheegey in ay ka cabsi qabaan hadii mudane madoobe soo laabto in doorashada 2020 in uu qal qal gelin doono soo laabashada madaxda qaranka sidaa darteedna dowladu walaac ka qabto soo laabashada hogaamiyahan.

Bilaha Luuliyo iyo agoosto ayaa dowlada soomaaliya dooneysaa in ay kasmeyso doorashooyin jubaland iyo Galmudug sidii tii Koonfur galbeed kadhacdey oo kale walow aan la ogeen qaabka ay usuura gali doonto.

Dowlada soomaaliya ayaa markii ladoortey waxey durba is fahami waayeen hogaamiyaasha maamul goboleedyada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here