MUQDISHO(TEBIYENEWS)-XOG DAAHSOON GUMEYSI QARSOON: SOOMAALIYA GOORMEY NOQOTEY MAAMUL GOBOLEYD ETHIOPIA KATIRSAN.

0
21

Soomaaliya waa dowlad madaxbanaan oo xurinmadeeda qaadatey sanadkii 1960, waxeyna noqotey dal ay kabaqaan dunida inteeda kale waxeyna kaalin mug leh ka qaadatey qaranimda wadama badan oo afrika kuyaala oo maanta ku naaloonaya dowladnimo.

Balse cadaalad darradii iyo nin jecleysigii madaxdii xukunka heysey ayaa dalkeena waxaa ay dhaxal siisey in uu dib u fashilmo.

Mudo kudhowaad 20 sano ah ayaa soomaaliya ladaalaa dhaceysey waxaana laoodhisayey hadba dolwad dib u heshiisiinta kashaqeysa si  loo dhayo boogihii ay rebtey dowladii kacaanka oo dalka u horseedey in dadka soomaaliyeed is  nacaan oo sida xoorta is cunaan.

10kii sano ee ugu danbeeyey waxaa dalkeena isku bed bedelaayey dowlado  kumeel gaar ah waxaana ugu danbeyn lugu guuleystey in qaranimada soomaaliya dib cagiheeda ugu istaagto.

2017 February ayaa markale qaranka soomaaliyeed ilduufey kadib markii uu si kal iyo lab ah usoo dhoweeyey muwaadin loo maleynayey gumesi diid balse noqdey shaqsigii ugu liitey ee soomaliya hoose seexiyey cadowgeeda sirtii dalakana farta kasaarey kuwii waligood sheegan jirey dhulkii soomaali.

Farmaajo wuxuu ku guuleystey in uu noqoto shaqsigii ugu horeeyey eek u guuleystey isagoo wadani iska dhigaaya soomaaliya kadhigey maamul goboleyd hoostaga Ethiopia, dhammaan arimihii gudaha dalka wuxuu ku wareejiyey Ethiopia dhisida maamul goboleyd yada oo eheed in wasaarada arimaha gudha hoostagaan ayaa waxaa uu hoosgeeyey teliska Ethiopia tusaale doorashooyin maamulada kadhaca waxaa la hoos geeyey ciidankii Ethiopia.

Doorashadii ugu horeysey ee maamul goboleyd kadhacda waxey eheed koonfur galbeed, waxaana shacabka soomaaliyeed indhahooda ku arkayeen arin gumeysi u eg oo lagula kacay muwaadiniin soomaaliyeed waxaana kamid ahaa madaxweynihii xilkaas haayey mudane shariif xasan oo ciidaka Ethiopia lasheegey in ay ku jirdileen kuna handadeen isagoo xafiiskiisa fadhiya oo xasaanad leh ayagoona ku qasbey in uu xilka kadego si qasab ah hada waxaa doorasho kadici doontaa dowlada jubaland waxaana muuqata in qaabkii koonfur galbeed lala rabo oo ciidanka Ethiopia six ad dhaaf ah loogu daabulaayo magaalada kismaayo sida ay noo xaqiijiyeen dadka degan halkaasi.

Dhanka arimaha dibadana farmaajo markii xaalad lasoo deristo wuxuu aadaa Ethiopia sidii ay dhacdey markii safiirka soomaaliya laga soo ceyriyey Kenya wuxuu kaxeestey Abey Axmed waxaana si bahdilaad ah loogu geeyey madaxweyne uhuuru Kenyatta.

Hadaba dalkasoomaaliya waxaa uu galey xaalada lagu til maami karo gumeysi daahsoon oo dalka waxaa daah kadaashiisa ka maamulaya teliska Ethiopia.

Lasoco qorada xigta iyo xogaha daahsoon.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here