MUQDISHO(TEBIYENEWS)-XOG CUSUB:GAASHAANLAHA ISMA DILIN EE WAA LADILEY.

0
40

Waxaa aroornimadii saakal lagu arkey meydka gaashaanle dhexe oo ka tirsanaa ciidanka booliska soo maaliyeed Xuruunta sheelare ee degmada Xamar Jajab magaalada moqdiaho

War loo dusiyey saxaafada ayaa lagu sheegey in marxuumka isaga is dal daley waxaana durba saxaafada qortey in marxuumka isaga isdiley.

Hase yeeshee xaaska marxuumka dhintey oo war fidiyeenada lahadashey ayaa si weyn u beenisey ayadoona sheegtey in ninkeeda ladiley.

Marwada marxuumka dhintey ayaa sheegtey in xaley kooxo raadinaayey marxuumka gurigeeda yimaadeen, waxaana ay sheegtey in marxuumka guriga deganaa lagu amrey in uu ka guuro, isaguna ka madax adeegey.

Haweeney deris la aheed marxuumka ayaa sheegtey in aysan suura gal eheen in uu isdilo marxuumka ayadoona ku sababeysey in aaney jirin sabab ku kalifi karta arintaas.

Ciidanka denbi baarista ayaa lasheegey in uu durba lawareegeen ayagoona lasheegey in ay baaritaan wadaan ehelada marxuumka ayaana dowlada soomaaliya kacodsadey in tiirka la keeno cida dilka marxuumka kadanbeysey

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here