MUQDISHO(TEBIYENEWS)-WAR DEG DEG AH:XILDHIBAANADII UGU BADNAA OO SAXIIXEY MOOSHIN, IYO TIRADOODA

0
99

waxaa 24 saac lasoo dhaafey si xowli ah ku socodey, mooshino iska soo horjeedey kuwaas oo hada lagu soo waramaayo in lagu kala adkaan rabo durba.
Mooshinka 1aad ayaa looga soo horjeedey guddoomiye kuxigeenka Baarlamaanka Soomaaliya Mudane C/Weli Muudey, halka midka 2aadna lasheegey in looga soo horjeedey Ra’isul wasaaraha soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre.
Warbaahinta xogta daahsoon ee Tebiyenews ayaa sidhow ula socotey xaaladaha kusaabsan mooshinadan, sida ay noo xaqiijiyeen xildhibaano lanbada dhinac aan laxiriirney, waxaa sii xawli ah kusocada mooshinka laga wado guddoomiyaha Kuxigeenka baarlamaanka mudane C/weli muudey.
mid kamid ah xildhibaanada mooshinka Guddoomiye Muudey loogasoo horjeedo saxiixey ayaa Tebiyenews usheegey in 152 xildhibaan saxiixeen mooshinka kadhanka ah guddoomiye muudey, walow aanan helin ilo madaxbanaan, marka laga reebo sheegashada xildhibaankan oo diidey magaciisa in saxaafada loo adeegsado.
Madaxweynaha soomaaliya ayaa lasheegey in uu kusoo biirey mooshinka kadhanka ah Guddoomiye kuxigeenka waxaana lagu soo waramayaa in ay mooshinkaan saxiixeen dhammaan xildhibaanada wasiirada ah kuwaas oo kor udhaafaya 40 xildhibaan.
Dhanka kale mooshinka kadhanka ahaa Ra’isul wasaarahaSoomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa lasheegey in uu marayo 39 xildhibaan waxaana weli saxiixiin xildhibaano miisaan ku leh baarlmaanka kuwaas oo kamid yihiin Cadow Cali Gees iyo Cabduqaadir Osoble iyo kuwa kale oo heesta xildhibaano ayagu taageero u ah.
Khilaafkan ayaa lasheegey in uu udhaxeeyo saxiibo aad isugu dhowaa mudana soo wada shaqeyey, ayagoo mooshino badana isku aragti ka ahaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here