MUQDISHO(TEBIYENEWS)-WAAJIBAADKA WAXGARADKA WAAYAHA.

0
98

Waayaha lajoogo heerka garaadka qof walbaa gaarsiisan yahay waxaa lagu ogaadaa laxawsiga dhibaatada haystada dadkiisa, dareenka ka dhasha duruufaha ka muuqata wejiyada ehelkiisa ayaa qasab ka dhigaysa in laabtiisa xasilli weyso, uur ku taalada iyo oodinta ku taaggan qalbigiisa ayaa u ah caddeyn kalgaceylka uu’ u qabo ummaddiisa,  damqashada dhibta gaartay walaalihiis ayaa  na tususeysa isku dayga tillaabooyinka lagu dabiibayo nabarrada gaaray gibilkiisa oo ah mashaqada ku ganbisantay qaraabada Soomaaliyeed.

Tiiraanyada gaamurtay ee ka muuqata dhabannada shacabka Soomaaliyeed ayaa ah raadka ay ku reebtay masiibooyinka boqol jirsatay ee haarta u yeeshay laabtooda, soo raaggidda xalka ay ku taamayeen ayay ka dhaxleen rajo beel iyo quus u horseedday kalsooni la’aan naftooda ah iyo in ay qoonsadaan daawo walbaa ee ku habboon dhayidda boogaha Qaranka asiibay, inkastoo mushkiladahan tirada badan ee naga reebay shucuubta nala midka ah, balse nasiib wanaag ma aysan gaarin godob la,isu dardaarmo gudashadeeda.

Taranka faraca socda iyo hana-qaadka jiilasha timaha madow waxa ay na tusaysaa filashada barwaaqo iyo nabad lagu nagaado, iimaanka ku jira ummadda iyo astaamaha Diinta ka muuqata ayaa iyana ah sida ay uga dhur sugayaan RABBIGOOD in ay ka helaan naxariis ilowsiisa taariikhda iinta leh oo ay soo mareen, ALLE bariga iyo nimcada lagu duceysanayo mustaqbalka kaliya kuma filna asbaabta sunnada ah ee lagu helo gargaarka EEBE, dambiyada aan ku sameynay AF & IDIN waxaa iyana waajib ah in la masaxo AF & IDIN.

Waxgaradka waayahan jooga waxaa saarran mas’uuliyad wadareed waajib ku ah, marka la eego baahida loo qabo garashadooda iyo awoodda fahamka ay u leeyihiin XALKA mushkiladdaha jira, baylahda dadka iyo dalka lagu tuuray kuma filna shacabka jiheynta iyo tarbiyada xadaarada leh balse waxa ay u baahan yihiin adeeg dowladnimo buuxa, si looga dhabeeyo yoolka shacabka hiigsanayo, waxaa lagama maarmaan ah  kamid noqoshada Hey’adaha qaran dhiska ee samaysmaya xilligan taariikh gadoonka ah, iska dhowridda kamid noqoshada siyaasadaha dalka kajira waxa ay noqon kartaa dayacid mus’uuliyadeed marka qofku leedahay garasho iyo damiir  tusinaya XALKA shacabku dhararayaan.

Udub-dhexaadka caqabadaha dalka ka taaggan ayaa ugu weyn tan maamulka siyaasadda dalka oo ay farac kasii yihiin dhibaatooyin kale ee nolosha ciriiri ka dhigay, dadka iyo dalkaba waxaa ay u baahan yihiin hoggaan aqoon iyo biseyl leh sababna u noqda talo tayo leh, islamarkaana abuura dhaqan siyaasadeed anshax iyo dulqaad ku dhisan, waxaa xusid mudan in ay ku adag tahay waxgaradka waayo aragga u ah xaaladda siyaasadda dalka in ay ku dhiirradaan isku day hor leh oo ay ugu gargaaraan walaalahood xaajo wareersan, maadaama dalku galayo weji cusub ee lagu yagleelayo dhidibbada Qarannimada dalka 2020-ka una baahan GURMADKA WAXGARADKA WAAYAHAN.

Tubta cusub ee loo asteeyay askumidda Hooyada Dowladnimo (baarlamaanka FS) ayaa laga dhigay albaab u furan dhammaan shacabka Soomaliyeed, qorshahan waxa uu fursad u siinayaa dhammaan dadka hanka siyaasadeed uu ku jira isla markaan u diidaysaa dadka waxgaradka ah ee awood u leh ka qayb galka (toos iyo si dadabanba) dhismaha qaranka in ay ka cudur daartaan, inkastoo duruufaha shaqsiyeed ay asal u tahay go’aan qaadashada laakiin waxaa xusid mudan isbarbardhigga qiimaha qaranka iyo waxa loo hurayo.

Qorshaha kala guurka 2020-ka ayaa lagu wadaa inuu noqdo nidaamka Doorashada qof iyo cod isla markaan Xisbiyo ay ku tartamayaan Doorashada iyadoo lagu salaynayo habka qabiilka 4.5, inkasto dul duleelo badan (4.5) ay ku jiraan nidaamka cusub hadana waxaa loo daliishaday in shacabka weli u diyaarsanayn nidaamka dimoqraaddiga casriga ah, ayna u baahan yihiin in qibrad iyo tusaale ka helaan habkan cusub, isla markaana gogol xaar ugu noqoto nidaamka dimoqraaddiga iyo  mustaqbalka.

Gunaanad.

Shacabka Soomaaliyeed waxaa laga sugayaa in ay go’aamiyaan cidda taladooda ay u dhiibanayaan Doorashada 2020-ka,  isla markaana ka arrimisa aayo ka talintooda, xullashada dadka ku habboon ammaanada masiirka ummadda ayaa u baahan garasho fog iyo taxadar, cabirka miisaanka heerka wacyiga dadka Soomaaliyeed ayaa saameyn badan ku yeeshay duruufaha nololeed ee dalka ka jiray, islamarkaana ay ku adag tahay in ay arkaan wax kabadan inta ishoodu u muuqata, taas ayaana suurtagal ka dhigi karta in ay ka ilduufaan dooqa hoggaan ee ku habboon, iyagoo ka indho-saaban baaxadda mas’uuliyadda ka ratibmaysa natiijada cidda ay Dooranayaan.

Waajibaadka Waxgaradka ayaa ah in shacabka ay ku baraarujiyaan go’aankooda Doorashada uu saamayn badan ku yeelanayo noloshooda iyo jiilasha mustaqbalka soo korayo, isla markaana ka marag kacayaan cidda ay ku aaminayaan naftooda, sharaftooda iyo hantidooda, weliba ilaalin kara jiritaanka qaranka isla markaana ka feejigan halista siyaasdaha gobolka iyo dunida inteeda kale, taariikhda cusub ee siyaasadda Soomaaliya ayaa u baahan  hab-dhaqan siyaasadeed cusub oo shacabka tusaale u noqda isla markaana faca danbana ay  ka dhaxlaan ku dayasho waarta, sidaas darteed  waxaa qasab ah in ladiyaariyo ummad soo saarta siyaasiyiin iyo hoggaan la mahdiyo weliba lagu iloobo ceebihi dalka soo maray.

Rajjada laga qabo in dalku xasilo shacabkuna helaan maamul wanaagsan waxa ay magan u tahay hiillada iyo dadaalka aan ku bixinay inta uu gaarsiisan yahay, tayada dowladeena ay leedahay waxa ay la egtahay qiimaha aan u quurnay dhismaheeda, waxa aan u hureyno qaranka ma gaari karaan qiimaha dhabta ah ee dalku leeyahay, nasiibka aan u helnay Soomaaliya ayaa caddeyn u ah heerka fursaddaha nolosha laga dhex heli karo wadanka, caqabadaha ku xayndaaban ka faa’ideysiga dhulka iyo nabad ugu noolaashaheeda waxa ay ku xiran tahay sida aan ugu guntanno geed-qaadka iyo tacbashadeeda.

Waxgaradka Soomaaliyeed ee Waayaha lajoogo waa in ay isweydiinayaan su’aalaha,

Qiimo intee la eg (Waqti, Hanti, Talo) ayaad u ogoshahay in aad ku bixiso dhismaha qarannimada Soomaaliya maanta iyo berriba?

Dhaxal ceynkee ah ayaad ug; talo gashay in aad ku reebto jiilasha kaa danbeeyo?

Jawaabta ka timaadda Garaadkaaga iyo Damiirkaaga ayaa kuu ah Qiimaha ay agtaada ka leedahay SOOMAALIYA.

FG: ujeeddada fariintan kooban waxaa ay tahay is-xusuusinta mas’uuliyaddaha naga  saarran dalka iyo gudashada waajibaadka garaadka iyo damiirka inoo  tilmaamay, haddii qoraalkan lagu dhex arko Deel-Qaaf ama Sibxashada Qalinka kas igama aha, ulamana jeedo durista Qof ama Koox.

Muxudiin Iimaan

Muhyadiin7@hotmail.com
Tebiyenews@gmail.coom

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here