MUQDISHO(TEBIYENEWS)-SIYAASI CC WARSAME KAHADLEY XAALADA XILDHIBAANADA QARANKA.

0
24

Hogaamiyaha Xisbiga wadajir CC Warsame ayaa shaaca kaqaadey in xildhibaanada hada Jira ay gabeen waajib kooda.

sheeko dhexmarti isaga iyo qaar kamid ah xildhibaanada qaranka ayuu kasheekeeyey.

Xildhibaan ayaa igu yiri “waxaan dib u jaleecaa dadaalkii waqti, hanti iyo galaangal ee kursiga xildhibaannimada iiga soo baxay iyo sida xaalku yahay, dadka waxaan dheernahay oo keli ah in aan haysanno kaarar aan jidadka xiran ku marno, xafiisyada xukuumadda ku galno iyo waa xildhibaan hebel nala yiraahdo”

Golaha Shacabku wuxuu macno iyo miisaan yeelanayaa markii loo arko in uu xukuumadda la xisaabtamayo ama uu ku mashquulsan yahay hawlaha hortebinta u leh dhismaha dawladnimada. Gudoonka masuuliyad weyn ayaa ka saaran in ay Golaha kaalintiisii u celiyaan oo ay laanta fulinta ka madax baneeyaan, haddii kale in dhaaxa ah waxay dhihi doonaan, kooram la’aan ayuu kulankii u baaqday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here