MUQDISHO(TEBIYENEWS)-SHEEKO DHAB AH :MA DABAAL DEG MISE DHIBAATEYN SHACAB?.

0
47

MA DABAAL DEG MISE DHIBAATEYN SHACAB?

Waxaan aad ula yaabanaa rasaastii tirada badneyd oo loo ridaayey dabaal dagga 26ka June oo ku beegneyd laba habeen ka hor. Waxaan habeenkaas is weydiiyey sow BULEER ma ahayn balantu, maxay tahay rasaastaan dhaceysa haddana mudada iska socota kana dhaceysay qaybo badan oo ka mid ah Mogdisho.

Waxayahaataba, subixii ayaa waxaa la igu soo wargeliyey in rasaastii lagu dabaal degaayey ay waxyeeleysay muwaadiniin guryahooda ku sugnaa.

Tani waa Naciimo Nuur Xaaji oo 18 jir ah kana mid ah dadkii waxyeelada soo gaartay oo dagan degmada Warta-Nabadda. Naciima waxay xabbaddu ka haleeshay madaxa weyna fadhiisatay. Dhowr isbitaal oo la geeyey wey ka deyriyeen in la qalo oo laga saaro xabadda. Hadda waa DHIBANE ogaal la’ oo isbitaal dhex jiifta. Naciima waa gabar da’yar oo hami weyn u leh nolosha, Allaah ka kiciyo dhibka gaaray.

Naciima kaliya ma ahan dadka deegaankaas oo ay waxyeeladu soo gaartay waxaana ka mid ah inta aan ogahay odey iyo wiil yar oo xabaddu madaxa ka haleeshay qaliin markii lagu sameeyeyna u dhintay.

Kama war haayo inay dowladdu wax ka ogtahay dhibanayaashaan iyo kuwii geystay, waxayse ila tahay:

  1. In ciidan aan aqoonin xagasha xabadda lagu rido marka kor loo tuuraayo iyadoo ay mamnuuc tahay in rasaas lagu dabaal dego weliba waddan ceynkaan ah.
  2. In arin qorsheysan ahaa oo lagu dhex qarinaayey dabaal degga hoosna loo riday rasaasta, ujeedaduna tahay in dowladda lagu ceebeeyo.
  3. In askar wax magarata ah oo asalkoodu mooryaan ahaa welina qoryihii gacmaha ugu jira ay iska tuuraayeen ka dib markii dhawaqa dabaal degga ay maqleen.

Sida dhabta ah waxaan uga fadhinaa laamaha amniga inay inoo xaqiijiyaan dadka geystay dhibaatadaas.

CODSI
Fiicnaan lahayd inay gaarto fariintani iyo codsigeenba mas’uuliyiinta dowladda:

Waxaa nagu soo food leh 1da Luuliyo ee waxaan laamaha amniga iyo guud ahaa dowladda ka codsaneynaa in aan lagu dabaal dagin rasaas ee buleerka inooga filan dabaaldegga. Muwaadin aad mas’uuliyadda amnigiisa iyo badbaadidiisa aad qaadeen yuusan ku dhiman rasaas lagu muujinaayo dabaal deg farxadeed.

                          
W/Q Aqoonyahan Cabdullaahi Sheekh Nuur

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here