MUQDISHO(TEBIYENEWS)-SARAAKIISHII NISA LAGA CEYRIYEY OO LA OGAADEY IYO XILALKA AY HAAYEEN.

0
91

Hay’ada Nabad sugida iyo Sirdoonka Qaranka oo soomaaliya oo ceyrisey saraakii sare oo karirsanaa horaantii todobaandka ayaan lashaacin xilalkooda iyo magacayadooda.

Waxaa hada soo baxaya saraakiisha xilka laga qaadey xilalka ay haayeen iyo magacyadooda.

Waa kuwan magacayada saraakiisha, darajadooda iyo xilalkii ay haayeen.

1) Gaashaanle Sare Abdulahi Nur Madaxii hore Hogaanka Maaliyada oo hada xilka laga qaadey.

2) Mohamed Hassan Mohamed waa Gaashaanle Dhexe wuxuuna ahaa Madaxii Hogaanka maamulka hay’ada NISA.

3) Nin lagu soo gaabiyey magaciisa Cabdirahmaan Aalto waa gaashaanle wuxuuna
Madaxii Amniga Garoonka Diyaaradaha ee Aden Ade International Airport.

4) Gaashaanle Sare Abdirahman Hassan loo yaqaano Azhari
Madaxii Amniga xuduudaha dalka.

5) Gaashaanle Sare Dhamme Ceynte oo ahaa Taliyiihii Ururka Gaashaan oo ahaa gaashaanle haayey ciidanka ugu tayada badan dalka soomaaliya.

Hay’ada NISA ayaa saraakiishan ku tilmaantey kuwo aan lagu aamini karin xogta dalka isla markaana loo dhiibi karin shaqo xasaasi ah.

Saraakiishan xilka qaadia keliya laguma sameyn waxaa kaloo laga saarey hay’ada NISA oo dhan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here