MUQDISHO(TEBIYENEWS)-RAISUL WASARE KHEYRE OO GEERIDII ABWAAN SANGUB KA TACSIYEEY ISAGOONA DAFIREY KUWII XASUUQII GALKACAYO.

0
39

Raisul wasaaraha soomaaliya mudane Xasan Cali Kheyre ayaa ka hadley geerida marxuum Abwaan sagub wuxuuna eebe ugu baryey in uu janadii fardowsa kawaraabiyo.

Raisul wasaaraha iyo madaxweynaha ayaan ka hadlin xasuuq kadhacey dalka gudihiisa waxaana muuqata in madaxda qaranka beel ahaan u shaqeeyaan.

Maxamed Mursal ayaa guddi u magacaabey xasuuq kadhacey magaalada gaalkacayo waxaana ka hadlin madaxweynaha iyo wasiirkiisa 1aad.

Balse markii uu geeriyoodey Madaxweynaha muwaadin qaraabo la aha madaxweynaha waxaa durba saxaafada mashquuliyey tacsiyeynta ka imaanaysa xafiisyada madaxweynaha iyo Raisul wasaaraha.

Arintaan ayaa waxaa ay muujineysaa in hogaanka dalka weli aanu usineyn shacabkooda balse ismoodaan in ay beelo u fadhiyaan kursiga qaranka.

Abwaan sangub waa halyey waana wadani wuu mudan yahay in loo sameeyo aas qaran balse shacabkii sida gardarada ah lagu laayey gaalkacayo aas qaran iyo in madaxda dalka ka hadasho ma mudna miyaa?

Hogaanka dalka ha u sinaado muwaadiniinta uu xukumo ama xilka haka degaano.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here