GAALKACYO(TEBIYENEWS)-MADAXWEYNE FARMAAJO MADAXWEYNE UMA AHAN MIYAA DADKA LAXASUUQEY.

0
16

Waxaa kasoo wareegatey 24 saac in kabadan kadib markii xasuuq loo geestey dad shacab ah oo dalkoodi hooya jooga ayagoo waxba galabsan.

Kooxo hubesan ayaa guryahooda ku xasuuqey waxaana ay soo wada jeedaan hal deegaan.

Beegsiga muwaadiniintaan ayaa lasheegey in loo uskadey in dhuulkooda shabaab heesto sidaa darteedna shabaab loo dili karo.

Waxaa kahadley dhamaan soomali oo dhan shacab iyo masuulba waxaase weli warkaa ka hadlin madaxweynihii qaranka soomaaliyeed.

Muwaadiniinta soomaaliyeed waxaa ay is weydiinayaan madaxweynaheena dalka kama war haayo miyaa? Mise dadka laxasuuqey ayaa madaxweynaha qaraabadiisa eheen.

Qaar kamid ah shacabka soomaaliyeed ayaa aaminsan in madaxweynaha soomaaliyeed dadka la laayey qaraabo u ahaan lahaayeen aas qaranna loo sameen lahaa isagana soo booqan lahaa.

Balse madaxweynaha dadka la laayey uma arko dad xaquuq ku leh dalka soomaaliyeed.

Shacabka soomaaliyeed ayaa madaxweynaha dalka ka si siman utaageerey hadase waxaa muuqata in madaxweyne beeleed uu yahay oo qolo gaar ah xilka u haayo maadaama uusan ka hadlin masiibadii qaran ee ka dhacdey dalkeena hooyo.

Mid kamid ah dhalinyarada kudhaqan magaalada Gaalkacayo oo aan wada sheekeysaney ayaa igu yiri(aamunaanta madaxweynaha waxaa ka wanaagsan in madaxweynaha soomaaliyeed umahad celiyo dadkii dilka geestey maadama uusan ka xumaanin wixii lagu sameeyey shacabka soomaaliyeed).

Madaxda ugu sareysa dalka soomaaliya ayaa lagu eedeeyaa in ay sameeyaan xeex muuqata shacabka ay maamulaan.

Waxaana tusaale ugu filan doorashadii baydhabo kadhacdey iyo tii garoowe.

Lagaya yaabee madaxweynaha markuu hadlo in uu sii bahdilo dhibanayaasha soomaaliyeed ayuu yiri mid kamid ah nabadoonada kusugan magaalada tan GaalKacayo.

Shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Galmudug iyo gobolada kalaba si isku mid ah ayey ugu fal celiyeed falkan lagula kacey shacabka laxasuuqey.

Xafiiska warqabadka Tebiyenews Gaalkacyo

Tebiyenews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here