Sida ay xaqiijiyeen ciidamada badda dalka Iraan waxaa la weerarey labo markab oo mareyey marin Biyoodka caalimiga ah ee Gacanka cumaan.
Ciidanka mariniska iiraan ayaa bedbaadiyey 44 ruux oo bad maaxiin ahaa kuwaas oo saarnaa maraakiibta laweeraray.
Guutad 5-aad ee saldhigoodu yahay Baxareyn ayaa sidoo kale xaqiijiyey in ay u gurmadeen labadan markab kadib marii ay soo gaarsiiyeen qaylo dhaan.
Marin biyoodkan ayaa ahaa mid muhiim u ah gaadiidka Badda ee qaada shidaalka loo iib geeyo daadaha caalamka.