MUQDISHO(TEBIYENEWS)-DF OO LAGU EEDEEYEY IN KULAMO QARSOODI LAQAADEY KENYA.

0
29

Madaxweynihii hore ee galmudug Cabdikariin Guuleed Gacmodheere ayaa sheegey in dowlada soomaaliya ay wadahadalo qarsoodi ah kula jirto dalka kenya wadahadalkaaso oo kusaabsan kiiska Badda soomaaliya.

Bartiisa facbook ayuu warkaan ku daabacey mudane Guuleed.

Waxaa jiro xogo isi soo taraya oo tibaaxaya in madaxda dowladda dhexe ee Soomaaliya ay wadaan kulamo qarsoodi ah oo ay ku doonayaan inay gorqortan iyo wadahadal ka galaan qadiyadda badda ee nagala dhaxeysa dowladda aan dariska nahay ee Kenya, qadiyadaaso ah qadiyad qarameed iyo mid umadeed hortaalna Maxkamadda Cadaaladda Aduunka.
Hadda waxaan mas,uuliinta dowladda ugu baaqeynaa ogana digeynaa in wax gorgortan iyo wadahadal ah ay ka galaan taako ka mid ah gayiga iyo dhulka Soomaaliyeed, dhowraana madaxbanaanida iyo midnimada bariyeed, badeed iyo cireed ee dalka, aysanna luminin taageerada iyo kalsoonida dowladnimo ee ay shacabka Soomaaliyeed u hayaan, ayagoo garwaaqsanaya in qadiyadda badda uu ka soo gaaray madax horay ugu sinbiririxaytay ee aan ka fiirsan dhaawacyo iyo barro siyaasadeed oo madow oo ma hadho ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here