MUQDISHO(TEBIYENEWS)-DF OO DAGAALKII XAAF KU HEYSEY U WAREEJISEY AHLU SUNNA.

0
44

Dowlada federalka soomaaliya ayaa lasheegey in ay qoonsatey shuruud ay xirtey Jamacada Ahlusunna ee kusugan magaalada dhuusa mareeb.

Raisul wasaaraha soomaaliya oo gaarey todobaadkii hore Galmudug ayaa waxaa markii hore lasheegey in uu qorshhiisu ahaa sidii dowlada gacansaar ula yeelan laheed maamulka ahlusunna ee kusugan Dhuusamareeb hase yeeshee Raisul wasaaraha ayaa lasheegey in uu ka didey shuruudo ay ku xireen ahlusuna wada shaqeynta dowlada.

sheekh shaakir oo ah madaxa xukuumada galmudug ayaa lasheegey in dowlada soomaaliya hordhigey in ahlusunna ay maamusho doorashada isla markaana ay madaxweynaha galmudug iyo wasiirka amniga ay qaadato taas oo raisul wasaaraha lasheegey in ay fajac iyo amakaag ku noqotey.

dhanka kale Risul wasaaraha ayaa Ahlu sunna usheegey in ay ciidanka ay heestaan dowlada kasoo wareejiyaan ayagana siyaasada dalka halkii ay doonaan ka galaan arintaas oo ahlu sunna ka caga jiidey.

Raisul wasaaraha ayaa u amba baxey dhanka madaxweyne Xaaf oo kusuganaa cadaado isagoona raali gelin buuxda siiyey madaxweyne Xaaf.

Raisul wasaaraha ayaa lasheegey in uu kula kaftamey Xaaf in uu yahay shaqsi dulqaad badan maadaama ahlusnna lasoo shaqeeyey arintaas oo siyaasiyiin badan ku fasireen in dowlada soomaaliya hada ahlusunna is fara saari doonaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here