Munaasabad Soo Dhaweyn Ah Oo Muqdisho Loogu Sameynayo Sheekh Umal kadiib Fashilkii muxadaradiisa

0
23

Magaalada Muqdisho gaar ahaan Hotel Royal Palace ayaa Goordhow waxaa ka bilaaban doonta Munaasabad soo dhaweyn ah oo loo sameeynayo Sheekh Maxamed Cabdi Uma loo dhawaan soo gaaray Muqdisho.

Munaasabadda soo dhaweynta ayaa waxaa lagu wadaa inay ka qeyb galaan Wasiiro kamid ah Xukuumadda Soomaaliya, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Culimo, Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda iyo Marti sharaf kale oo lagu Casuumay.

Sidoo kale inta ay socoto Munaasabadda lagu soo dhaweeynayo Maxamed Cabdi Uma l ayaa waxaa halkaas Khudbado kala duwan ka jeedin doona Madaxda ka qeyb galeysa Xaflada iyo Sheekh Umal.

Munaasabadan ka dhaceysa Muqdisho ayaa kusoo aadeysa, iyadoo Maanta lagu waday inuu Sheekh Umal Muxaadaro uu ku qabtay Garoonka Injineer Yariisow, hayeeshee waa la baajiyay, kadib markii dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku dhawaaqday arrintaas.

Sababta ugu weyn ee loo joojiyay Muxaadaradii Sheekh Umal ayaa waxaa ay tahay, kadib markii ay siweyn uga soo horjeesteen Culimada Ahlusunna ee Gobolka Banaadir, iyagoona sheegay in hadii muxaadarada la joojin waayo Magaalada ay ka dhigi doonaan banaanbaxyo, iyadoona ugu dambeyntii dowladda joojisay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here