MUDISHO(TEBIYENEWS)-GUDDOOMIYE C/WELI MUUDEY AYAA BERI DALKA DIB UGU SOO LAABAN DOONA ISAGOO MOOSHIN LAGU SOO DHOWEEN DOONO.

0
25

Ilo kudhow dhow xafiiska guddoomiye kuxigeenka baarlamaanka soomaaliye mudane C/weli Muudey ayaa xaqiijinaya in uu maalinta beri kusoo wajahan yahay dalka soomaaliya isagoona mudooyinkii lasoo dhaafey kusugnaa dalka Turkiga.

Guddoomiye muudey ayaa lasheegey in laga diyaariyey mooshin xilka looga qaadaayo intuu dibada ku maqanaa, waxaana baarlamaanka furmi doonaa 15 bishan juun ee aanu ku jirno.

Khilaaf lasheegey in uu u dhaxeeyo guddoomiye C/weli muudey iyo Teliyaha Nabd sugida iyo sirdoonka qaranka Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo lagu tilmaamo shaqsi af gaaban ayaan la ogeen wax yaalaha uu salka ku haayo walow la xaqiijiyey in uu jiro ismaan dhaaf siyaasadeed.

Mr. Muudey oo ahaa shaqsi si weyn loogu yaqaano kicinta iyo daban daabada golaha shacabka ayaa lafilayaa in uu wajaho dagaalka saxiibo hore oo sirtiisna lasocoda walow uusan isaguba shar yaeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here