MOSKO OO LAGU GEBA GABEEYEY SHIRKA BAARLAMAANKA ADUUNKA

0
26

MUQDISHO(TEBIYENEWS)-Shirkii Madasha Baarlamaanada Aduunka ayaa galabta ku soo dhamaadey Moscow ayadoo shirka intuu socday lagu falanqeeyey doorka Xeer-dejiyeyaasha Aduunka ka qaadan karaan xal u helidda mashaakilaadka aduunka haysta. Gabogabadii shirka waxaa ka hadlay Madaxweynaha Ruushka Butin oo sheegey muhiimada iyo doorka Baarlamaanada Aduunka ee xuluusha dhibaatooyinka jira.
Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullahi oo hogaaminayey ergada Soomaaliya ayaa sidoo kale maanta jeediyey khudbad uu kaga hadlay arrimaha muhiimka ah ee ay tahay in lagu xaliyo Madasha Baarlamaanada Aduunka. Ergada Soomaaliya waxaa ay sidoo kale kulamo gooni gooni ah la yeesheen Guddoonada Labad Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Ruushka ayadoo ay labada dhinac isla soo qaadeen xoojin xiriirka labada dal gaar ahaan labada Baarlamaan ee Soomaaliya iyo Ruushka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here