MOQDISHO(TEBIYENWS)-WAR DEG DEG AH:DUQEYMO KADHACEY DEGMADA JILIB IYO KHASAARA KADHASHEY

0
131

Wararka ka imaanya Degmada Jilib ee gobolka Jubada Dhexe, ayaa sheegaya in duqeymo kadhaceen halkaasi lagu diley sargaal katirsan ururka Alshabaab iyo ilaaladiisa, sargaalkaan  ayaa magaciisa lagu sheegey  maxamed Nur, horjoogahan ayaa la sheegey in uu ahaa amiirka guud ee amniga ururka alshabaab.

Diyaaradaha nooca  qumaatiga u kaca ee laga leeyahay dalkaasi mareykanka ayaa lasheegey in ay fuliyeen howl galkan waxaan dhanka macaluumaadka kacaawinayey ciidanka sirdoonka soomaliya sida ay noo xaqiijiyeen saraakiil katirsan ciidnka Jubaland.

Howl galka ayaa lasheegey in uu dhacey seqdii dhexe ee xaley waxaana la ogeen qasaaraha rasmiga ah ee duqeyntu geystey.

Goobaha laduqeyey ayaa lasheegey in ay kamid yihiin suuqa degmada jilib waxaana lagu soo waramayaa  in ay jiraan burbur guriyo walow aan weli lasheegin dad shacab ah, oo wax ku gaarey.

Weerarada dhanka cirka ah ee lagu haayo kooxda shabaab ayaa lashegey in ay sii kordheen sanadkaan 2019 waxaana lagu bartil maameed sadaa  horjoogayaal sar oo aktirsan kooxda alshabab kuwaas oo dowlada merykanka iyo dowlada soomaaliya aad u doon doonayaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here