MOQDISHO(TEBIYENEWS)-XOG YAAB LEH:VILLA-SOMALIYA OO XUBNO FIRFIRCOON KU YEELATEY GUDDIGA DOORASHADA JUBALAND.

0
32

War hoose oo aan ka  helney villa soomaaliya ayaa sheegaya in madaxtooyada soomaaliya ku guuleysatey in ay lasoo wareegto 3 xubnood oo katirsan guddiga doorashada Jubaland.

Sida laga soo xigtey mid kamid ah lateliyaasha madaxweynaha soomaaliya, waxaana lateliyuhu laxaqiijinayaa in villa soomaaliya ku guuleysatey 3 xubnood oo katirsan guddiga doorashada Jubaland kuwaas oo dhowaan meelmariyey baarlamaanka Jubaland.

Lateliyaha madaxweynaha ayaa ku taliyey in loo daayo guddiga doorashada Jubaland in ay soo xulaan isagoona balan qaadey in ay ogaan doonaan musharax Axmed madoobe wato kahor intaan ladooran musharaxaasna lacag loo diri doono si qarsoodi ahna xiriir loola sameen doono.

Xogta ayaa intaa ku dareysa in ololaha doorashada musharaxa dowlada labilaabo marka ladhaariyo baarlamaanka.

Xantaan kasoo yeertey villa soomaaliya ayaa umuuqata qorshe cusub oo halis gelin kara musharaxa ugu xooga badan Jubaland mr.Madoobe.

Guddiga doorashada Jubaland ayaa lasheegey qaarkood in lacag loo qarey xilna loo balan qaadey halka kuwa kalana lagu handadey xarig faldanbiyeedyo ay hore ugaleen.

Majiraan ilo madaxbaanan oo warka kasoo yeerey villa soomaaliya xaqiiqjin kara sheegashadooda   iyo xubnaha ay sheegeen kuwa ay yihiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here