MOQDISHO(TEBIYENEWS)- XOG XASAASI AH:ANSIXINTA SHARCIGA SHIDAALKA WUXUU HORSEEDI DOONAA IN KHEYRAADKA DALKA LAXADO.

0
15

Shir ay isugu yimaadeen baarlamaanka soomaaliya maanta ayaa lasheegey in ay ku ansixiyeen sharciga shidaalka soomaaliya xilli dalku uu ku jiro jahwareer siyaasadeed.

Ra’isul wasaaraha dalka ayaa lagu eedeynayaa in uu dabada kariixaayo arintaan, si baa layiri shirkado uu heshiis la galey ugu howl galaan dalka soomaaliya ka hor inta uusan xilka kadegin.

Maamul goboleydyada dalka kajira ayaa lasheegey in ay waxba kala socon arintaan loona diidey in ay ka hadlaan mar ay isku dayeen in ay telo kabixiyaan.

Habeenkii xaley ahaa ayaa lasheegey in xubnaha baaralamaanka loo qeybiyeyey lacag aad u tirabadan si ay umeel mariyaan sharcigan.

Ilo xog ogaal ah ayaa sheegaya in lacagaha laqeybiyey xaley ay bixisey shirkad shidaal oo lagu magacaabo somoil taas lagu xanto in Xasan cali kheyre lacago aad u badan ku difaacdo si sharcigaan u meel maro.

Madaxda dowlada soomaliya ayaa lagu eedeeyaa in ay gacan saar dhow laleeyihiin shirkada maafiyo ah kuwaaso laga soo ceriyey wadamo badan isla markaana ku shaqeysta suuq madow.

Si kastaba ha ahaatee waxaa soomaliya  lugaha lagali dootaadagaal shidaal oo ka halis badan kan maanta soomaaliya kajira. Waxaana shirkadaha dhaqan kooda yahay qofkey ku shaqeystaan in ay dilaan si aanu u bixin xogta shirka dooda xilkasta oo uu haayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here