MOQDISHO(TEBIYENEWS)-XARUUMAHA CIIDANKA QARANKA SOOMAALIYA OO LAGU SOO KOR DHINAAYO GOOBO LAGU CIBADEYSTO WAXAA ASTAAN QURXOON.

0
35

Ra’isul Wasaaraha Dalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre Ayaa Maalintii Shaley Xarigga Kajarey Masaajid Laga Dhex Dhisey Xaruunta Nabad Sugidda Iyo Sirdoonka Qaranka.

Dhismaha Masaajidkaan Ayaa Lasheegey In Uu Socodey Mudo Kudhow Shan Bilood Ayaa Waxaa Loo Dhisey Qaab Casri Ah.

Arintaan Ayaa Ah Arin Ay Soo Bilaabatey Xilligii Madaxweynihii Hore Dowlada Kumeel Gaarka Soomaaliya Mudane Shariif Axmed Waxaana Markii Ugu Horeysey Lagu Dhisey Masaajid Kuliyadii Jaala Siyaad Iyo Goobaha Ciidanka Maleteeriga.

Talaabadaan Ayaa Muujineysa In Ciidanka Soomaaliyeed Ay Kusoo Biirayaan Muwaadiniin Diintooda Yaqaana Isla Markaana Jecel In Ay Muujiyaan Astaantooda Diimeed, Halka Ciidmadii Hore Ee Soomaaliya Laga Nixi Jirey Qaab Dhaqankooda Xagga Diimeed Walow Ay Ahaayeen Geesiyaal Guula Ka Keenaa Jiidaha Hore Ee Dagaalka.

Dhismaha Masaajidkaan Ayaaa Waxa Lagu Xasuusanaan Doonaa Teliye Kuxigeenka Nabad Sugiga Iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya Mudane Fahad Yaasiin Xaaji Daahir Oo Aha Sii Haayaha Teliyaha Nabad Suggida Iyo Sirdoonka Qaranka.


LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here