Waxaa goordhow soo gaba gabobey kulankii gudiga Joogtada Golaha Shacabka.
Shirka oo dhoor saacadood socodey waxaa waxaa lagu lafa gurey qaabkii ufurmi lahaa kal fadhigii golaha shacabka oo dib udhac ku yimid.
Guddiga ayaa go’miyey in dib loo furo kaldhiga baarlamaanka 15 juun oo ku aadan maalinta sabtida soosocota
Ajandayaasha oo aad xasaasi u ahaa ayaa laisku mari waayey waxaana markii danbe laisla gartey in ajandayaasha sida ay u kala muhiim sanyihiin loo kala hormariyo.
Ayadoona lagu horminaayo sharciyo horey u yaaley oo waqti loowaayey.
Dhanka kale intuu shirka socodey ayaa lasheegey in uu jirey kala qeybsanaan guddiga dhexdiisa ayagoona umuuqdey kuwo kala shakisan.
Intuu shirka socodey xildhibaanada qaar ayaa soo hadal qaadey mooshin lasheegey in uu ka yaalo mid kamid ah guddoonka baarlamaanka waxaana xurba guddiga gaashaanka u daruureen arintaasi ayagoona ku gaabsadey in sida u kala muhiimsan yihiin loo kala hormariyo.