MOQDISHO(TEBIYENEWS)-WASIIRKA GAASHAANDHIGA SOOMAALIYA OO XILKA QAADIS WAJAHAYA IYO WASIIRKA CUSUB OO LO OGAADEY.

0
96

Warar Ay Heshey Warbaahinta Xogta Daahsoon Ee Tebiyenews Ayaa Muujinaya In Wasiirka Gaashaan Dhiga Dowlada Federalka Soomaaliya Mudane Xasan Amardanbe Xilka Laga Qaadi Doono Maalmaha Fooda Nagu Soo Haaya.

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen  Ayaa Lasheegey In Madaxweynaha Iyo Ra’isulwasaaraha Kacodsadey In Wasiirka Gaashaandhiga Loo Magacaabo Xasan Cabdinoor Oo Ah Shaqsi Aad Ula Soo Shaqeeyey Xilligii Doorashada Koonfur Galbeed.

Madaxweyne Laftagreen Ayaa Sheegey In Uu Balan  Ka Qaadey Mudane Xildhibaana Xasan Cabdinuur, Oo Ah Nin Dhalinyaro Ah Oo Aad U Firfircoon.

Madaxweynaha Soomaliya Mudane Maxamed Farmaajo Ayaa Lasheegey In Uu Aqbaley Codsiga Madaxweyne Laftagreen Waxaana Lagu Wadaa In Safarka Madaxweynaha Kadib Uu Magacaabo Wasiirka Cusub Ee Gaashaandhiga Soomaaliya Mudane Xildhibaan Xasan Cabdinuur.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here