MOQDISHO(TEBIYENEWS)- WAR DEG DEG AH: GUDDOOMIYAHA BAALAMAANKA GALMUDUG OO KAHADLEY GO’AANKII WASAARADA ARIMAHA GUDANAHA.

0
33

Wararka ka imaanaya magaalda Cadaado ee gobolka galgaduud ayaa sheegaya in caawa shri ay isgu yimaadeen barlamaanka dowlad Goboleedka Galmudug ay ku taageereen go’aankii wasaarada arimaha gudaha jamhuriyada federalka soomaaliya.

Cali gacal caseer, guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug ayaa akhriyey warmurtiyeed ay soo saareen xubno katirsan baarlamaanka maamulkaasi.

Warsaxaafadeedka ayaa lagu soo dhoweeyey go’aanka wasaarada arimaha guduaha ayadoona baaq looga jeediyey maamulka Puntaland iyo Qaar kamid ah Xisbiyada mucaaradka in ay joojiyaan hurinita khilaafaadka Galmudug waa sida warka lagu sheegey.

Guddoomiyaha baarlamaanka iyo xubno katirsan baarlamaankiisa ayaa waxaa  khilaaf ba’an kadhaxeeyaa madaxweynaaha maamulkaasi.

Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegey in in baarlamaanka Galmudug ay dooran doonaan madaxweyne afarta bisha July ee fooda nagu soo heyso.

Arintaan ayaa waxey umuuqataa in khilaafka galmudug markale heerkii ugu sareyey gaarey waxaana xusid madan in ahlusunna waljamaaca aya lasafan yihiin madaxweynaha hada xilka haaya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here