MOQDISHO(TEBIYENEWS)-VILLA-SOOMAALIYA OO SOO SAARTEY LIISKA XILDHIBAANADA CUSUB EE 2020 KUWAAS OO DHAMMANTOODWAJIYO CUSUB AH.

0
30

Shirar qarsoodi ah ayaa ka bilowdey hoteelada maagaalada moqdisho, kaas oo lasheegey in ay ka arin sanayaan mustaqbalka kuraastooda..

Xubno katirsan baarlmaanka soomaaliya ayaa lasheegey in ay heleen xog muujineysa baarlmaanka soosocda in dhammaantiis wada noqon doono wajiyo cusub, isla markaana aanu soo laabandoonin xunaha golaha shacabka hada jira.

Xildhibaan katirsan baarlmaanka soomaaliya ayaa TEBIYENEWS usheegey in markii hore ay dowlada kula balameen in dhammaan taageerayaasha xukuumada xildhibaanada hada jira dib loo soo dooran doono, isla markaana ay wada dhisan doonaan xisbi, hase yeeshee villa-soomaaliya ayaa lasheegey in durba ay diyaarsatey liiska xunbaha baarlamaanka soomaaliya 2020.

Liiskaan ayaa waxaa arkey xubno katirsan xildhibaanada baarlamanka, kuwaas oo aad ugu dhowaa xukuumada hadajirta. Xildhibaankan ayaa sheegey in ay hada fasax ku jiraan balsegoordhow baarlamaanka dib loo furi doono,waxaana intaa ku darey in ay hada wadaan shirar hoose oo ay wax iska weydiinayaan iyo sida xaaladu uwajihi doonaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here