Qorshe ay ku dooneysey dowlada federalka soomaaliya in ciidamada Kenya lago saaro goobaha muhiimka ah ee magaalada kismaayo ayaa lagu soo waramayaa in uu fashilmey.
Warar aan ka helney saariil katirsan maamulka jubaland ayaa tibaaxaya in xafiiska madaxweynaha soomaaliya mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo uu xiriir lasameeyey howl galka AMISOM isagoona dalbadey in magaalada Kismaayo Goobaha muhiimka ah ay lawareegaan ciidamada Ethiopia.
Ciidamada Kenya ayaa arintaas ka falceliyey ayagoona sheegey in ay u baahan yihiin waqti dheeraad ah si ay isugu diyaariyaan teliyaha ciidanka Kenya ee kusugan magaalada kismaayo ayaa sheegey in uu ubaahan yahay mudo lix bilood ah si ay qalabkooda u furfurtaan isla markaana aanu degdeg usuura gali Karin.
Warqad uu u qorey teliska guud ee amisom ayuu kusheegey in uu qaatey amarka balse uu ubaahanyahay waqti kufilan.
Si kastaba ha ahaatee ciidanka amisom ayaa hada umuuqda mid kudhex milmi rabo siyaasadaha is diidan ee soomaalida dhex deeda ah.