MOQDISHO(TEBIYENEWS)-URURKA ALSHABAAB OO MARKII UGU HOREYSEY KA HADLEY QARIIRADII ITOOBIYA SOO BANDHIGTEY.

0
72

Afhayeenka xarakada alshabaab Cali dheere ayaa si faahfaahsan uga Hadley qariirada ay soo bandhigtey wasaarada arimaha dibada dalka itoobiya taas oo dalka soomaaliya ka maqanaa isla markaana itoobiya ku darsatey.

Cali dheere ayaa sheegey in damaca itoobiya markii hore qarin jirtey balse hada ay dibada keensatey, wuxuuna mr.dheere ku eedeeyey madaxda dowlada soomaaliya in ay dalka u gacan geliyeen itoobiya.

Dhanka kale afhayeenka ayaa ka Hadley arimaha shidaalka soomaaliya isagoona carabaabey in shidaalkii soomaaliya laga xareeshey wadamo shisheeyey isla markaana baarlamaanka soomaaliya meel mariyeen sharciyadiisa.

Cali dheere ayaa ugu danbeen sheegey in damaca itoobiya uusan eheen keliya in ay sooomaaliya qabsadaan balse damacooda uu yahay in ay qabsadaan kacbada alle, taasna ay ayagu hortaaginyihiin sida uu sheegey.

Dowlada soomaaliya ayaan weli kahadal xad gudubyada loo geeysanaayo madax bandaanida dalkeena waxaadna moodaa in madaxda qaranka ay maanta kursigooda ku door bideen sharafkii soomaalyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here