MOQDISHO(TEBIYENEWS)-UNHCR OO DIB USOO CELISEY QAXOOTI SOOMAALIYEED.

0
27

hay’ada qaramada midoobey uqaabilsan arimaha qaxootiga oo loo yaqaano UNHCR ayaa sheegtey in qaxooti soomaaliyeed oo gaaraya 4,300 dib ugu celisey dalkooda ayadoona ka qaadey dalka Yeman.

Sarkaal u hadley ha’adan ayaa sheegey in dadka lasoo celiyey ayagu dalbadeen oo aaney jirin wax qasab ah, wuxuuna sheegey in duulimaadkii udanbeeyey oo gaaraya 125 ruux ay kadegeen magaalada moqdisho.

Qaxootiga lasoo celiyey ayaa ka koobnaa qaar kudhashey xeryaha qaxootiga dalaka Yeman iyo qaar ayagoo yar ama waalid ah dalka ka qaxeen.

Arintaan ayaa muujineysa in dalka soomaaliya dib usoo kabanaayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here