MOQDISHO(TEBIYENEWS)-SHRIKADA HORMUUD OO LACAG U QEYBISEY BAARLAMAANKA SOOMALIYA HAL ARIN DARTEED.

0
22

Galaha shacabka  soomaaliya oo maanta kulankooda 15aad kala fadhigiisa 5aad ku yeeshey magaalada moqdisho ayaa ugu doodey una codeeyey heshiiska caalamiga ee naafada  waxaana la meel mariyey.

Dhanka kale xildhbaanada baaralamaanka ayaa kadoobey dhibaatada lagu haayo shirkada isgaarsiinta hormuud oo mudooyinkii danbe bur burin lagu haayey Xaruumaaheeda oo ku yaalada gobolada gedo iyo jubaayinka.

 Qaar kamid ah xildhbaanada ayaa soo jeediyey in ciidamada Keyna si deg deg ah looga saaro dalka maadaama ay dhibaato ba’an ku  haayaan shacab soomaaliyeed iyo hantidooda.

Xog hoose aya sheegeysa in shirkada isgaarsiinta hormuud ay lacag ku bixisey kadlida kiisan kadib markii ay garan waayeen in ay kahadaan baarlamaanka soomaaliyeed.

Dooda ayaa weli socota waxaana loo ballamey kulanka kale in laga dooda ajandahan, xildhibaano tira badana ayaa si  kulul uga Hadley falalka ciidamada keyna ay ku bur burinayaan shirkada isgaarsiinta hormuud

Arintaan ayaa umuuqata mid siyaasadeysan oo dowlada Kenya lagu cadaadinaayo, waxaana xusid mudan in dhoor jeer ay arintaan soo noqnoqtey hase yeeshee baarlamanka soomaaliya anu ka hadal.

Edeynta keya ayaa kusoo aadeysa xilli deeganada jubaland ay kajiran doorasho waxaana muuqda in dowada Kenya aysan la dhacsaneyn nooca doorasho ee rabto dowlad soomaaliya taaso oo kadhici doonta magaalada kismaayo bisha luuliyo ee fooda nagu soo heysa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here