Shirka qamiislaha ahaa ee maanta aya waxaa golaha siirada xukuumada soomaliya lagu ansaxiyey sharciyada xadeynta xamuulka baabuurta iyo hindisa sharciyeed wadooyinka waxaana soo diyaariyey wasaarada howlaha guud iyo guriyeynta.
Dhanka kale intuu shirka golaha wasiirada socodey ayaa waxaa lagu daacsiiyey xunsulo heer safiir waxaana xubanaha ladalacsiiyey ayaa gaaraya 5 xubnoo waxaana ay kala yihiin sacaadatu safiir Muxidiin Maxamed Kaalmooy, sacaadatu safiir Xasan Daahir Dhibil, sacaadatu safiir Xasan Xundubey Jimcaale,sacaadatu safiir Maxamed Isxaaq Ibraahim iyo sacaadatu safiir Maxamed Cali Mire.
Si kastaba ha ahaatee waxaa muuqata in golaha wasiirada ay sii dardar gelinayaan howlahooda shaqo.
Ra’isul wasaaraha soomaliya mudane xasan cali kheyre ayaa lagu tilmaamaa in uu yahay ra’isul wasaare howl kar ah isla markaana dhaliyarada soomaliyeed fursad siiya balse mar waliba cadaadis kala kulmo madaxweynaha soomaliya mudane maxamed cabdillahi farmaajo.