Sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanka waxaa aroornimadii saaka dagaal beeleed ka dhacey degmada walaweyn ee gobolka shabeelaha hoose.
Dagaalka ayaa lasheegey in ay ku dhinteen dad kor u dhaafaya todobo ruux halka dad intaas kabadan ay ku dhaawacmeen dagaalka.
Dagaalka ayaa iskiisa u istaagey waxaana weli is hor fadhiya maleeshiyadii halkaas ku dagaalantey.
Dadka deegaanka ayaa baqdin ka muujinaya in markale lagu dul dagaalamo mana jirto waan waan lagu xalinaayo arintaan.