Maamul gaboleedka soomaaliyeed ee Puntland ayaa soo saartey go’aan ay ku joojineyso wada shaqeentii dowlada federalka soomaaliya ay la leheed puntaland.
Warbixin ka kooban labo bog oo dowlada puntland soosaartey ayaa waxaa ay ku sheegtey in gebi ahaanba joojisey wadashaqeentii ay lalaheed dowlada soomaaliya kadib markii ay ku eedeysey madaxda dowlada in ay baalmareen dastuurkii kumeel gaarka ahaa ee lagu heshiiyey, waxaana puntland dowlada federalka ku ecanaanatey awood moroorsi.
Puntaland ayaa sheegtey in gebi ahaanba aysan aqoonsan doonin dhammaan hindiyaashii hay’adaha dowlada meel mariyeen sida sharciga shidaalka, qorshaha amniga, hanaanka cashuuraha iyo sharciga doorashooyinka.
Warmurtiyeedka oo ku qoran afka ingiriiska hoose ka akhriso

