Madaxweynah soomaaliya mudane Maxamed Cabdullahi Farmajo ayaa wajahaya eedeymo aad u culus kuwaas oo kaga imaanaya maamulada dalka iyo Jamhuuriyada iskeeda isku magacawdey ee Somaliland,
Mudane Farmaajo ayaa lagu eedeynaya in uu raadinaayo hab uu u afgenbi kusameeyo dalkana uu umaamulo sidii marxuum maxamed siyaad Barre.
Ateliyaasha madaxweyne farmaajo ayaa lasheegey in marwaliba madaxweynaha kala teliyaan sidii awood ugal wareegi lahaa xukunka dalka waxaana arintaas lasheegey in ay bedeshey dabeecadii lagu yaqiiney xilligii ra’isul wasaaraha ahaa taas oo eheed dhegeysiga bulshada iyo wax ka qabashada baahida cabashooyinka shacabka soomaaliyeed.
Tan iyo markii xukunka lawareegey madaxweynaha soomaaliya maxamed cabdullahi farmaajo ayaa waxaa lugta la galey qul qulatooyin siyaasadeed iyo rag iska dhicin halkii markii hore lamoodi jirey muwaadin dulqaad uleh hogaaminta dadka soomaaliyeed midnimadooda kashaqeyn kara.
Intuu joogey xafiikska madaxweynaha soomaaliya waxaa lasheegey in mudane farmaajo xooga saarey ladagaalanka iyo ka aargoosashada siyaasiyiin ay mar hore is qabteen waa xilligii ra’isulwasaaraha ahaaye.
Madaxweyne farmaajo ayaa lagu eedeyey in uu hubeeyey beeshiisa isla markaana abuurey meleeshiyo beeleed udagaalama.
Wasirka arimaha guduha soomaaliland ayaa sheegey in madaxweyne farmaajo dawco ka gudbiyeen iyagoona ku eedeeyey In uu abuurey kooxo mucaarad ah oo qas iyo fowdo kawada Somaliland iyo somaliya.
Dhanka kale madaxweynaha Galamdug ayaa waxaa uu ku eedeyey mudane farmaajo sababta uu u burburinaayo Galmudug in ay tahay heeb qabiil.
Madaxweyne farmaajo ayaa lagu eedeeya in uu dafiro madaxweyniyaashii ka horeeyey marka laga reebo siyaad Barre.
Akhriste maxey kula tahay adiga eeda loo soo jeediyey madaxweynaha qaranka