Musharaxa kamid ah musharaxiinta utaagan xilka madaxweynaha Jubaland ayaa lasheegey maanta in uu ka bedbaadey qarax loodhigey dhabarka danbe ee gurigiisa sida ay sheegayaan goobjoogayaal kusugan halkaasi.
Cabdirashiid Xidig oo ah musharax utaagan xilka madaxweynaha Jubaland ayaa waxaa lagu soo waramayaa in hoyga uu ku degan yahay magaalada kismaayo qarax loogu diyaariyey.
Barqadii maanta aya waxaa lasheegey in ay soo sheegeen arintaas dadka deegaanka hase yeeshaa macada cida ka danbeysa qaraxa maadaama magaalda ksimaayo amnigeeda aad u wanaagsan yahay.
Musharax xidig ayaa maalmahan denbe lasheegey in uu kala kulmaayey dowlada Jubaland cadaadis xoogan kaas oo ah in dhaq dhaqaaqiisa la xadidey.
Warbaahinta xogta daahsoon waxey idin soo gudbin doontaa xadba wixii kusoo kordha arintaas
Isha ku haay TEBIYENEWS.COM isha wararka daahsoon