Siyaasiga weyn ee lagu magacaabo cabdirahmaan cadishakuur warsame ayaa sheegey in kusimaha teliyaha nabad sugida iyo sirdoonka qaranka soomaaliya uu dhoor jeer tagey asbuuc gudihiisa dalka Ethiopia si ciidamada Ethiopia loogeeyo magaalada dhuusa mareeb iyo kismaayo.
Siyaasiga ayaa kadigey khatar kadhalan karta arintaas, war bixin uu ku daabacey bogga uu kuleeyahay facebook ayaa waxaa ay u qrneyd sida tan.
“Wiilka ku simaha ka ah hay’adda Nabadsugida ayaa todobaadkii ugu danbeeyey dhowr jeer isaga daba noqday magaalada Addis-Ababa ee dalka Itoobiya. Wuxuu kulamo la yeeshay saraakiil sare oo sirdoonka Milateriga Itoobiya ka tirsan. Willku wado musuq ah ayuu ku raadinayaa in ciidan Itoobiya Dhuusamareeb la geeyo, kuwa Kismaayo ku sugana ay afduubaan doorashada Jubaland sidii Baydhabo oo kale.
Dawlada Itoobiy waxaan ugu baaqaynaa in ay arrimaha doorashooyinka Soomaaliya faraha kala baxdo. Shacabka Soomaaliyeed waxaa dhib ugu filan fara gelintii qaawnayd ee ay kula kaceen doorashadii madaxtinino ee 2017kii iyo tii maamul Goboleedka K/Galbeed ee ay Baydhabo 2018 ka gaysteen”.
Dowlada soomaaliya ayaa dadaal ugu jirta sidii ay meesha ugu saari leheed dhammaan siyaasiyiintii ayada kahoreeyey.