MOQDISHO(TEBIYENEWS)-MAXAA SABABEY IN GANACSATADA MOQDISHO AY HESHIIS CUSUB LA GALAAN ALSHABAAB.

0
18

Maalintii shaley ayey eheed markii ay shir isugu yimaadeen guddiga nacsatada soomaliya iyo xarakada alshabaab heshiisna ay ku gaareen halkaasi.

Warbaahinta xogta daahsoon ayaa ogaatey in arintaan ka danbeysey kadib markii ganacsatada ogaatey tag darida dowlada iyo sida ay isugu mashquulsan yihiin gudahooda isla markaana dalka loo naxeynin ayaa waxaa guddiga ganacsatada soomaliya go’aan sadeenn in ay gacansaar cusub la yeeshaan maamulka alshabaab ee gobolka banaadir.

Arintaan ayaa dhabar jab weyn ku ah dowlada soomaliya waxaana muuqata in dowladnimada soomaaliya ay helis ku jirto.

Arintaan ayaa alshabaab u ah dheera gelin ay mudo kusii joogi doonaan dalkuna ay sii maamuli doonaan ayadoo lasheegey in arintaan ay cabsi gelin doonto qaranimada soomaaliya.

Dhanka kale heshiiskan ayaa kusoo beegmaya xilli maalmihii danbe lahadal hayey sharciga shidaalka soomaaliya. Waxaana muuqata in ganacsatada soomaaliyeed ay dhaliilsan yihiin habdhaqanka madaxda dowlada soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here