MOQDISHO(TEBIYENEWS)-MADAXWEYNE FARMAJO OO MUSHARAX BEESHIIASA AH UWADA GALMUDUG.

0
45

Wararka ka imaanaya magaalada cadaado ayaa sheegaya in halkaasi ay ku socodaan kulamo lagu kala furfuraayo beelaha dega galmudug.

Madaxweyne kuxigeenka galmudug ayaa lasheegey in lacago badan uqeybinaayo beelaha sacad iyo seleebaan si uu isaga doorashada lafilaayo uga soo baxo.

Villa-soomaaliya ayaa lasheegey in ay madaxweyne camey siisey lacag horudhac ah oo gaareysa 430,000 dollar si madaxweynaha uu ugu qanciyo qab qablayasha beelahaasi.

Guddoomiyaha baarlmaanka Galmudug iyo Madaxweyne kuxigeenka galmudug ayaa lasheegey in ay wadaan qorshe ay kudoortaan madaxweyne.

Dhanka kale madaxweynaha galmudug iyo madaxa xukuumada galmudug  ayaa ayaguna lasheegey in ay wadaan qorshe kaa kaduwan oo ah in mudo labo sano ah aan doorasho lagalin oo ayagu hogaamiyaan.

Madaxweynaha soomaaliya ayaa habeenkii xaley ahaa lasheegey in uu baaq udirey beelaha galmudug dib heshiisiina ugu baaqey sid doorasho loo galo bisha juuly ee fooda nagu soo haysa.

Xaalada galmudug ayaa u muuqata mid kasii dareysa waxaana la’ogeen halka ay caga dhigan doonto xasarada siyaasadeed ee kataagan galmudug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here