MOQDISHO(TEBIYENEWS)-MADAXWEYNE FARMAAJO OO LOO SHEEGEY IN UUSAN KAMID EHEEN MADAXDA LACASUUMEY IYO MADAXWEYNAHA OO SABAB CAJIIB LEH U TAHAGEY PRETORIA.

0
39

Wararka ka imanaya magaalda Pretoria ayaa sheegaya in guddiga qaban qaabada xaflada caleema saarka madaxweynaha cusub ee dalkaasi ay soo saareen liiska madaxdii ay ku casuumeen xaflada caleema saarka.

Madaxda lacasuumey ayey sheegeen guddigan in ay xadidan yihiin dhaqaalaha xaflada looga tala galey oo aad loo xadidey awogeeda.

Liiska ay soo bandhigeen guddigan ayaa waxaa ka maqan madaxbadan oo uu kamid yahay madaxweynaha soomaliya mudane maxamed Cabdullahi Farmaajo waxaana lasheegaya in madaxweynaha soomaaliya oo hada kusugan halkaasi codsadey in uu ka qeyb galo xaflada maadama uu dalka soo gaey.

Guddiga ayaa lasheegey in ay warqad codsi ah oo katimid madaxweynaha soomaaliya soo gaaraatey, waxeyna sheegeen in ay kashiri doonaan sida laga yeelaayo codsiga madaxweynaha soomaaliya.

Dhanka kale war baahinta xogta daahsoon ee TEBIYENEWS ayaa ogaatey sababta madaxweynaha soomaliya xaflad aan lagu casuumin u aadey.

Ilo kudhow dhow xafiiska madaxweynaha soomaaliya ayaa sheegaya in madaxweynaha sabata uu koonfur afrika u aadey ay eheed in uu halkaasi kula kulmo madaxweynaha Kenya oo xaflada ku casuumanaa.

Madaxweynaha Kenya ayaa gebi ahaanba kacudur daartey geinkii danbe ee maanta kadib markii uu ogaadey in uu madaxweynaha soomaaliya uu Pretoria kkadegey.

Madaxweynaha soomaaliya ayaa caawa ku hoyanaya  Pretoria, waxaana ceeb kutahay qaranka soomaliya in madaxweynahii dalka oo astaanta qaranka xambaarsan si aan kafiirsasho leheen u aadey xaflad aan lagu casuumin.

Basle waxaa laga yaabaa in uu u arkey  xalka soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here