MOQDISHO(TEBIYENEWS)-KULAN MUHIIM AH: MIDOWGA AFRIKA OO WALAAC KA MUUJIYEY DOORASHADA 2020, GUDDOOMIYE MURSAL OO DAFIREY MAAMULADA DALKA.

0
32

Ergiga gaarka ah ee midowga afrika, francisco madeira ayaa maanta kulan albaabada u xirnaa la qaatey gudoomiyaha golaha shacabka mudane maxamed mursal sheekh.

Ajandaha shirka ayaa u badnaa seddexdaan qodob

  1. Madaxbanaanida Hay’ada Sharic dejinta
  2. In hanaanka doorashada soo socota laga wada qeyb geliyo dhamaan maamulada dalka kajira.
  3. In baarlmaanku shaqada hortaala dar dar geliyo.

Ugu danbeyntii gudoomiye maxamed mursal ayaa lasheegey in uu difaacey madaxbanaanida baarlamaanka isogoona sheegey in baarlamaanku yahay ha’yada ugu sareysa dalka balse uu qaadnaayo telooyinka loosoo jeediyey.

Guddoomiyaha ayaa qirey in uu jiro gaabis dhanka shaqada ah taas oo uu ku sifeeyey khilaaf soo dhex galey golaha shacabka gudihiisa isagoona carabaabey in laxaliyey madmadowgii jirey.

Ugu danbeen gudoomiye mursal ayaa sheegey in doorashada soo socota isagu ka hadli karin balse baarlamaanka go’aamin doono nooca doorasho ee dalka kadhici doonta.

Guddoomiyaha ayaa sheegey in maamul goboleedyada hoostagaan hay’adaha fulinta gaar ahaan wasaarada arimaha Gudaha, hadii golaha wasiiradu soo ansixiyeena uu qabo in aan loo bahaneen maamul goboleed

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here