MOQDISHO(TEBIYENEWS)-HAY’ADAHA SAMAFALKA AYAA DALBADEY ADUUN LACAGEED OO GAARAYA 710 MALYAN OO DOLLAR SI LOO BED BAADIYO 4.5 MALYAN OO RUUX.

0
27

Hay’adaha samafalka kashaqeeya ee kusugan soomaaliya ayaa todobaadkii lasoo dhaafey waxay ku dhawaaqeen gargaar deg deg ah in loo baahan yahay.

Hay’adaha ayaa shaaca ka qaadey in xilli roobaadkii gu-ga oo ku beegneed April-Jun  ee sanadkan aanu si fiican u da’in, taas oo kadhigan in loo diyaar garoobo bedbaadinta 4.5 malyan oo qof kuwaas oo ku tiirsanaa roobka.

Qorshahan ayaa waxaa uu ku baaqayaa in gargaar deg deg ah lala gaaro dadka ay abaartu saameysey ka hor inta aanu soo bara kacin.

Hay’adahan ayaa codsadey aduun lacageed oo gaaraya 710 malyan oo dollar si bay yiraahdeen loo bed baadiyo 4.5 malyan oo ruux kuwaas oo qarka u saran macluul.

Warbixinta ay soo saareen ha’adahan ayaa qeybo badan taabaneysey waxaana warbixintu  ka digtey in gar gaarka lasoo de dejiyo si dadka loo gaarsiiyo xilagii ay baahnaayeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here