MOQDISHO(TEBIYENEWS)-GUDDIGA DOORASHADA JUBALAND SIR U DUSIYEY VILLA-SOOMAALIYA.

0
28

Sida laga soo xigtey sargaal katirsan howl wadeenada madaxtooyada soomaaliya kaas oo magaciisa lagu soo gaabiyey cabdiqani ayaa sheegey in ay haayaan xogaha kusaabsan dhamaan damaca madaxweynaha maamulka Jubaland.

Sarkaalkan ayaa sheegey in habeen walba loo soo gudbiyo, dhamaan macaluumaadka kusaabsan doorashada isagoona sheegey in saraakiil muhiim ah ay kuleeyihiin guddiga doorashada, kuwaas oo aad ugu dhow madaxweynaha Jubaland isla markaana habeen walba is dhaafsada macaluumaafka.

Sarkaalkan ayaa sheegey in ay usheegeen saraakiishan katirsan guddiga doorashada Jubaland in ladejiyey hotel ay u badan yihiin nabadsugida jubaland isla markaana ladhegeysto telefoonadooda.

Dowlada soomaaliya ayaa qorsheyneysa in guddigan ladejiyo xaruun ay ilaaliyaan ciidamada nabad ilaalinta ujooga soomaaliya gaar aaahn ciidanka Itoobiya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here